7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2023
Ciidanka dowladda oo howlgalo qorsheysan ku burburiyay fariisimo Al-shabaab ku laheyd dhulka howdka
 

Isniin, Agoosto, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada Khaalid Binu Waliid ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ku buburiyay fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd degaano hoostaga degmooyinka Galcad iyo Ruunirgood ee gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay dhulka howdka ah ee ku dhadhaw Galcad iyo Ruunirgood, iyadoo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawirada godod waaweyn oo gambaad iyo difaacyo u ahaa kooxda iyo waliba bicihii ay biyuhu ugu jireen oo ay ka carareen.

Taliyaha hoggaaminaayay howlgaladaan ee guutada Khaalid Binu Waliid Maxamed Dhagaweyne oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Runirgood iyo Galcad ay ku burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen.

Dhulka howdka ah ee Nawaaxiga degmooyinka Galcad iyo Ruunirgood ee gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa wali ka mid ah meelaha Al-shabaab ay ku xoogan yihiin, waxaana halkaasi howlgalo ka dhan ah Shabaab si joogta ah uga sameeya ciidanka xoogga dalka.

Gabagabadii howlgalkaan ka dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu sii xoogeysanayo howlgalada ay dowladda ku beegsaneyso meelaha Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka, islamarkaana uu socdo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga xureynaayo degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee gobolka Galgaduud.