7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2023
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo qarka u saaran in ay la wareegaan Wabxo
 

Isniin, Agoosto, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka, ayaa qarka u saaran inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan inuu haatan dagaal xooggan ka socdo inta u dhaxeysa Ceel Gorof iyo Wabxo, iyadoo Ciidamada huwanta ah ay weerar ku qaadeen degaano Alshabaab ay ku sugan yihiin.

Saacadaha soo socda ciidamada ayaa laga yaabaa inay gudaha u galaan Wabxo oo kamid ah degaanada istiraatiijiga ah ee gobolka Galgaduud, waxayna 40km u jirtaa magaalada Ceelbuur oo ah farriisin ugu weyn Shabaabka ku sugan gobolada dhexe.

Bishii November ee sanadkii hore 2022, ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Wabxo, hase ahaatee maalmo kadib ayay isaga baxeen, halkaas oo Alshabaab markii dambe ay dib ula wareegeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in degaanada la xoreeyo aan dib looga bixi doonin, waxayna sheegtay in loo diyaariyay qorshe adag oo xasilin ah.