7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2023
Puntland: Xildhibaano laga saaray baarlamaanka oo eedeeyay maxkamadda dastuuriga ah
 

Isniin, Agoosto, 21, 2023 (HOL) - Xildhibaano horey uga tirsanaa baarlamaanka maamulka Puntland, ayaa ku eedeeyay maxkamadda dastuuriga inay meer meerinayso go'aan ka gaaridda dacwad ay u gudbiyeen afar bilood ka hor.

Xildhibaanadan hore ayaa waxay ka dacwoonayaan habkii looga saaray baarlamaanka, sanadkii 2020, waxayna ku tilmaameen tallaabo sharci darro ahayd.

Dacwaddooda ayaa ah in ay maxkamadda dastuuriga kiiskaan gasho oo ay ka hor timaado habkii baarlamaanka looga saaray.

Waxay sheegeen in guddoomiyaha maxkamadda uu saaran yahay caddaadis dhinacyo kale uga imaanaya, kaasoo u diidaya inuu go’aan ka gaaro kiiskooda.

December, Sanadkii 2020, baarlamaanka Puntland ayaa xasaanaddii kala noqday xildhibaanadan oo ka koobnaa 8 xubnood, kadib markii lagu eedeeyay inay rabshad ka dhex abuureen gudaha baarlamaanka.

Maxkamadda sare Puntland ayaa maalmo kaddib ayiday go’aanka barlamaanka, waxaana dhowr asbuuc kaddib lagu beddelay xildhibaano kale oo ay soo xusheen qabaa’ilada ay kasoo jeedaan.

Tan iyo waqtigaas xildhibaanadan hore ayaa ku doodayay in madaxtooyada iyo guddoonka baarlamaanka ay iska kaashadeen in laga saaro baarlamaanka, iyagoo sheegay in loo cuskaday in ay mucaarad ku ahaayeen madaxweyne Deni.