7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 21, 2023
Maayarka Hargaysa ma wuxuu ku biiray xisbiga Kulmiye?
 

Isniin, Agoosto, 21, 2023 (HOL) - Duqa Magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa beeniyay in uu ku biiray xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, kadib markii uu xisbigu 3 jeer sheegay in uu Mooge ku biiray xisbigaas.

Mooge oo waraysi gaaban siiyay Galaydh media, xili uu jimicsi ku samaynayay Beerta Xoriyada Hargaysa, ayaa gabi ahaanba iska fogeeyay sheegashada xisbiga Kulmiye.

"Warka runtiisa iyo xaqiiqdiisu waxa weeyi xisbigaa kama tirsani, aniguna ma ihi qof uu qof iska odhan karo xisbi ayuu ku jiraa, hadaan xisbi galayo waa layga dareemayaa, xisbigaas ayaan ka shaqaynayaa" ayuu yidhi Mooge.

Mooge oo kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaan sidookale maalin qudha lagu arag shirarka xisbigaas, taasi oo shaki galisay ka mid ahaanshihiisa xisbiga, hadaba maayarka ayaa sheegay in uu haatan awooda saarayo horumarinta Hargaysa oo kali ah.

"Walahi xisbiga waan kasoo baxay lakiin wakhti ma galiyo, wakhtina uma helo, lakiin kuwii isoo doortay iyo xisbigayguba raali ayay igaga yihiin in aan ka shaqeeyo shaqadii la ii doortay ee magaalada Hargaysa" ayuu yidhi Mooge.

Hadab, Mooge oo ahaa shakhsi muddo kasoo shaqaynayay la dagaalanka qabyaalada ayay reer Hargaysa ku doorteen codkii ugu badnaa ee xubin gole deegaan abid lagu doorto doorashadii golaayaasha deegaanka ee 31, May, 2021.

Wixii ka danbeeyay doorashadiisa waxa uu sheegaa in uu diirada saarayo rumaynta balanqaadyadii uu ku hantay quluubta shacabka, waxa uuna isku dayaa in uu dhexdhexaad ka ahaado isqabqabsiga siyaasada Somaliland.