7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 2 , 2023
Guddiga olombikada Soomaaliyeed oo shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii xiriirka cayaaraha fudud
 

Arbaco, Agoosto, 2, 2023 (HOL) - Guddiga olombikada Soomaaliyeed ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya, Khadiijo Aadan Daahir.

Sababta shaqada lagaga joojiyay, ayaa lagu sheegay, kaddib markii lagu eedeyay inay ku takri fal awoodeed iyo eex u martay inay Sahro Abuukar u magacowdo cayaaryahannada Soomaaliya ku matalaysa tartanka orodada ee Shiinaha ka socda.

Guddiga olombikada oo fulinaya amar kasoo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo amartay inay shaqada ka joojiyaan guddoomiyaha cayaaraha fudud, ayaa sheegay baaris ay sameeyeen in ay ku ogaadeen in Sahro Abuukar aanay wax shaqo ah ku lahayn cayaaraha orodada.

Guddiga waxay sheegeen inay tahay wax aan la qaadan karin fadeexaddii ka dhalatay natiijadii orodka 100m ee Sahro ay uga qeyb gashay Shiinaha, tartankaas oo dhexmaraya jaamacadaha.