7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 2 , 2023
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Al-shabaab

Arbaco, Agoosto, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac oo Maanta shir jaraa'id u qabtay wariyaasha ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda ka sameeyeen todobaadyadio lasoo dhaafay deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo ka dhacay deegaano ka mid ah maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab khasaare aad u xoogan.

"Xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe waxa lagu dilay ilaa 100 ka tirsanaa Al-Shabaab, deegaanka Goofgaduud buureey oo ka tirsan gobolka Baay waxaa sidoo kale lagu dilay 60 kale oo ka mid ah dalgaalamayaasha Al-shabaab" ayuu yiri Wasiir Daa'uud Aweys Jaamac

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya in howlgaladaasi ciidanka dowladda ay kusoo furteen hub iyo saanad ciidan, isagoona xusay in guulaha ay gaareen ciidanka ay horseed u yihiin qorshaha ciidamada Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka dhamaadka sanadka 2024-ka.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa maalmahii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo lagu wado in dhawaan uu si rasmi ah uu u bilaawdo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga ciribtiraayo Ururka Al-shabaab.