7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 2 , 2023
Soomaalidii gashay Canada oo la kulmay caqabado ah in lasoo musaafurinayo
 

Arbaco, Agoosto, 2, 2023 (HOL) - Waxaa soo badanayaa tirada dadka Soomalida ah ee dowladda Canada ay sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso sababo la xiriira xagga sharciga.

Soomaali badan oo ka yimaada waddamada bariga Afrika, sida Kenya iyo Uganda ayaa dalka Canada galay, iyagoo ku baxay barnaamijyo ay ku bixiyeen lacago u dhaxeeya $15,000 illaa $20,000, si ay u helaan fiisadaha dal ku galka waddankaas.  

Soomaalida dalka Canada gashay ayaa lagusoo warramayaa inay la kulmeen caqabado ay kamid yihiin, in loo diiday warqadihii fasaxa shaqada. Qaar kamid ah ayaa sidoo kale laga celiyay markii ay garoomada dalkaas kasoo dageen.

Shakhsiyaad u abaabulan qaab shirkado ah oo ku sugan Canada, ayaa dadka lacago uga qaata inay keenayaan dalka Canada, islamarkaana ay usii diyaariyeen warqadihii loogu oggolan lahaa shaqada, iyo sidoo kale shirkadihii ay ka shaqayn lahaayeen.

Arrintan ayaa saamayn weyn ku yeelatay Soomaalida iyo Jabuutiyaan badan oo dalkaas tagay sanadkan, kadibna ku hungoobay hammigoodii ahaa inay dalkaas ka helaan sharciyo ay ku shaqeystaan.

Dowladda Canada ayaa hadda qorsheynaysa inay dadkaas dib ugu celiso waddamada ay ka yimaadeen, inkasta oo Soomaalidu ay sameeyeen isu soo baxyo ay uga soo horjeedaan in dadkaas dib loo celiyo.

Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto in ka badan 1oo qof.