7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 2 , 2023
Madaxweyne Deni oo SSC- Khaatumo usoo jeediyay inay Puntland kusoo biiraan
 

Arbaco, Agoosto, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay SSC-Khaatuma inay kusoo biiraan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xafladda xuska sanad guurada 25aad ee dhismihii Puntand, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay, reer SSC inay tashtaan oo ay la midoobaan Puntland.

"SSC, waxa aan siineynaa fursad waxaase aan rajaynaynaa in iyaga oo mid ah ay Puntland la midoobaan, oo aan si wadajir ah raadino Soomaali weyn, waxaa sidaas yiri madaxweynaha Puntland.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa noqday waxyaabaha ugu badan ee lagu falanqeynayo baraha bulshada. Qaar kamid ah siyaasiyiinta SSC ayaa ku tilmaamay, hadalka Deni in uusan ahayn mid laga caroodo laga dido.  Balse uu ka hadlay wuxuu isagu jeclaan lahaa inay dhacaan.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa ku baaqay in la adkeeyo midnimada SSC- Khaatumo, isagoo bogaadin u diray hoggaanka cusub.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu sheegay in hoggaanka uu horyaalo hawlo baaxada leh oo ay ugu horayso dhameystirka hoggaankuna ay si hufan u gutaan.

Axmed Karaash ayaa kamid ah dadka aaminsan dhismaha SSC- Khaatuma. Wuxuu horey madaxweyne ugasoo noqday maamulkii Khaatumo sanadki 2012, ka hor inta uusan dib ugusoo laaban Puntland.