7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 2 , 2023
Wasiir Xasan Macalin "Markii aan Xabsiga dhexe tagnay maanta waxaa inoo caddaatay in aanay jirin maxabiis 10 sano xiran"


Arbaco, Agoosto, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Cadaalada dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo maanta kormeer ku tagay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa balan qaaday in cadaalad deg deg ah ay heli doonaan maxaasiibta ku xiran xabsiga.

Kormeerka uu wasiirka Ku tagay xabsiga dhexe ayaa la xariirtay hadal dhawaan kasoo yeeray Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Taliye Shub, kaasoo ku aadana in xabsiyada ay ku jiraan maxaabiis mudo 10 sano ah aysan maxkamad xukumin.

Wasiirka ayaa ugu horeyn qiray iney jiraan maxabiis dhaaftay xarigooda mudadii loogu talogalay, hayeeshee aysan waxba ka jirin maxaabiis xiran mudo 10 sano ah iyaga oo aan xukuneen.

“Waxaan idin kugu nimid in caddaaladdu sugnaato oo aad caddaalad heshaan. Waxaan heynaa dambiga aad ku eedeysan tihiin” ayuu ku yiri Wasiir Xasan Macallin koox maxaabiis ah oo uu la hadlayay.

Kormeerka wasiirka uu maanta ku tagay xabsiga dhexe waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa booqashadiisa Xabsiga Dhexe ku wehliyay xubno uu ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ka socday garsoorka iyo maxkamadaha dalka.

"Su’aal ayaa ka jirta muddo dhaafka uu sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ah in 10 sano oo rumaan ah in dad ay xiran yihiin, markii aan xabsiga dhexe tagnay maanta waxaa inoo caddaatay in aanay jirin 10- kaas sano, intii dhaaftay mudada xukunkooda iyo intii garsugayaasha ah waxay heli doonnaan caddaalad, Waxaan u xilsaaranahay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo geeyo ayna u helan xukun ama caddaalad deg deg ah” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud.