7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 2 , 2023
Qoyska wariye Hargaysa ku xidhan muddo billo ah xukun la'aan oo hadlay
 

Arbaco, Agoosto, 2, 2023 (HOL) -  Odayaal kasoo jeeda qoyska wariye Bushaaro Cali Baande, oo muddo ku dhow 80 cisho ku xidhan magaalada Hargaysa xukun la'aan ayaa xukuumada ka codsaday in lasii daayo.

Odayaashan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco, ayaa si toosa Madaxweyne Biixi uga codsaday in uu xoriyadeeda usoo celiyo wariye Bushaaro.

"Waxaanu leenahay mudane madaxweyne xagaana u baydhi mayno, xagaana u baydhi maynee adiga ayaanu kula hadlaynaa, inantaa siidaa, uma dulqaadanayno in hablahayagu xidhnaadaan" mid kamid ah odayaasha ayaa sida yidhi.

Waxa ay sheegeen in Bushaaro ay ku xidhantahay dulmi "Waxanu u aragnaa in ay dulmi u xidhantahy, waxaanu u aragnaa in lagu xadgudbay sharafteeda inannimo iyo muwaadinnimo, wax may dilin oo wax may dhicin".

Odayaasha ayaa dhinaca kale sheegay in ay maqleen warar sheegaya in Bushaaro ay u xidhantahay qaar kamid ah wiilasha madaxweynaha Somaliland.

Xildhibaan Axmed Khaliif oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhawaan sheegay in Axmed Muuse Biixi oo ah sarkaal uu dhalay madaxweyne Biixi uu u sheegay in anay jirin cid Bushaaro siidayn karta oo aan isaga ahayn.

Bushaaro  ayaa la xidhay xili ay Somalilad kasoo gashay dhinaca xuduuda Wajeel ee Itoobiya, wixii wakhtigaa ka danbeeyayna todobbaadkasta maxkmada ayaa la geeyaa dacwadeeduna ma dhamaan, waxa la sheegay in loo haysto eedo la xidhiidha dad kicin iyo faafin warar been abuur ah.