7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 2 , 2023
Ciidamada dowladda oo howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Arbaco, Agoosto, 2, 2023 (HOL) - Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa xoogiisa si gaar ah uga dhacay tuulada Sigato oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga deegaanka Ruunirgood, halkaas oo la tilmaamay in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay isku aruursanayeen.

War kooban oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ay howlgalka ku burburiyeen fariisimo ay ku lahaayeen kooxda Shabaab tuulada Sigato, gaadiid iyo saanad ciidan.

"Howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaasha Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay, Goor dhow la soco faah-faahin dheeraad ah iyo khasaaraha dhabta ah ee Khawaarijta ku soo gaaray howlgalkaan. " ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay howlgalo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 100 dagaalame oo ka tirsana kooxda Al-shabaab.