7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2023
Raysal wasaare Xamse oo faray Hay'addaha dowladda iyo shacabka iney ka qeyb qaataan dagaalka Al-shabaab
 

Khamiis, Agoosto, 17, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa faray Hay’adaha dowladda Fedaraalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iney ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab.

Shirka ayaa ugu horeyn waxaa warbixin ku saabsan howlgalada socda looga dhageystay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin, kaasoo sheegay inuu socdo dagaal dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab, islamarkaana xoogiisa uu haatan ka socda deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka.

Rayal wasaare Xamse ayaa bogaadiyay guulaha ciidanka iyo go’aanka Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku gaaray inuu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee lagu doonayo in guud ahaan dalka looga  ciribtiro kooxda.

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna”.Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale xusay in dalka uu haatan ku jiro xaalad dagaal, islamarkaana loo baahan yahay in qof walba uu qaato kaalintiisa, si looga gudbo dhibaatooyinka kooxda Al-shabaab ay ku hayaan dalka.

Gabagabadii kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer nidaamiyaha Maareynta Hantida danta guud iyo agabka dowladda Soomaaliya.