7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2023
Dowladda Soomaaliya oo Shahaado ku xirtay badeecadaha iyo alaabaha kale ee lasoo galiya dalka

Khamiis, Agoosto, 17, 2023 (HOL) - Hay'adda Taya dhowrka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka kale ee badeecadaha iyo alaabaha kale soo galiya gudaha dalka.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay'adda Taya dhowrka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cidii aan wadan Shahaadada waafaqsanaanta ee hay'adda Taya dhowrka Soomaaliya ineysan wax badeeco ah kala soo dagi karin Dekada iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

"Hay'adda waxay ogeysiineysa Dhamaan shirkadaha,Ganacstada , hay’addaha caalimiga ah iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee kala soo daga alaabaha kala duwan Dekeda Muqdisho iyo garoonka Aadan Cade waa iney la imaadaan shahaadada waafaqsanaanta ee hay’adda Taya-dhowrka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay'adda Taya dhowrka.

Bayaanka kasoo baxay Hay'adda Taya dhowrka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wixii ka dambeeya kowda bisha Septembar ee sanadkaan cidii aanan la imaan Shaahadada waafaqsanaanta hay'adda Taya dhowrka iney la kulmi doonto ciqaab iyo ganaax lacageed.

Hoos ka akhriso Bayaanka oo dhameystiran:-