7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2023
Maxkamadda ciidamada oo bilowday dhegaysiga kiiska qalabkii militari ee dekeda lagu qabtay
 

Khamiis, Agoosto, 17, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta markii ugu horreysay la horkeenay eedeysanayaal loo haysto agab militari oo lagu qabtay dekeda Muqdisho.

Saddex nin oo ganacsato ah oo la sheegay inay qalabkan kasoo dajiyeen dekeda Muqdisho iyo darawaliinta gaadiid xamuul ah oo loo diyaariyay inay qalabkan u qaadaan deegaanada Alshabaab, ayaa maxkamadda kasoo muuqday.

Dambi baare katirsan hay’adda NISA, ayaa sheegay in qalabkan uu yahay qalab casri ah oo lagu fulin karo howlgallada qorshaysan ee habeenkii la sameeyo.  Wuxuu sheegay haddii uu gacanta u gali lahaa kooxda Alshabaab in ay ka dhalan lahayd halis amni oo aad u wayn.

Ganacsatada loo haysto inay qalabkan soo galiyeen dalka, ayaa sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn arrinkan, iyagoo sheegay in la qiyaanay oo alaabtaan lagusoo dhex qariyay Konteenarka lagusoo qaaday badeecaddooda.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada, ayaa maxkamada ka codsaday inay ciqaab adag ku riddo eedaysanayaasha loo haysto inay dalka soo galiyaan qalabka militari ee loo waday kooxda Alshabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ay maxkamadda sii wadayso dhegaysiga kiiskaan inta laga gaarayo gungaarka kiiskaan.