7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2023
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu dilay 30 ka mid ah Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Khamiis, Agoosto, 17, 2023 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo saacadahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda Fedaraalka ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Sarreeye Guuto Caanood ayaa sheegay in howlgalada ka dhacay nawaaxiga degmada Galhareeri lagu dilay 30 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidanka ay ku gubeen dagaalka gaari qaraxyo ka buuxeen.

“Meesha la yiraahdo Ceel bacad iyo Lix irdood oo Koonfur Galbeed kaga toosan Galhareeri waxaa ka dhacay dagaal culus oo saameeyey afar goobood, Waxaan xaqiijinay in dagaalka lagu dilay ilaa 30 Khawaarij ah, anaga hal askari ayaa naga shahiiday, waxaa Khawaarijta laga gubay gaari ay qarax ku soo rareen ciidanka ayaa fashiliyey dhagartaas” ayuu yiri Afhayeen Caanood.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sidoo kale xusay in howlgalka ciidamada uu yahay mid ka socda afarta jiho ee Bariga gobolka Galgaduud, islamar ahaantana saacadaha soo socda Al-shabaab laga saari doono meelaha ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

“Qorshaha Khawaarijtu waa inay ciidanka dabamareeyaan oo qaraxyo jidadka u geliyaan, anagu markaan aragnay qorshahooda waxaan go’aaminay in ciidanka aan la dedejin oo geed kasta laga saaro kooxda, iyadoo laga fogaanayo dhagartooda, ciidanku wuxuu ku socdaa lug, jiho aad u balaaran" ayuu yiri Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cali Caanood

Gabagabadii Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Sarreeye Guuto Caanood ayaa markale ugu baaqay shacabka ku nool magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iney isaga fogaadaan xarumaha kooxda Al-shabaab.