7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2023
Mahdi Guuleed iyo Salaax Jaamac oo si adag u cambaareeyay dilka Abwaan Jaamac Kediye
 

Khamiis, Agoosto, 17, 2023 (HOL) - Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee ku jira Dowladda federalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay dilkii Abwaan Jaamac Kediye Cilmi, iyagoo ku baaqay in lagula xisaabtamo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Jaamac iyo xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa dilka Abwaanka ku tilmaamay jarriimad ay tahay in la iskula xisaabtamo. Waxay sheegeen in duqayn aan loo meel dayin lagu gumaadayo dadka ku nool magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Mahdi Guuleed wuxuu sheegay in taliska madaxweyne Muuse Biixi lagu maxkamadeeyo duqaynta aan loo aabo yeelin ee uu sheegay in ciidamada Somaliland ay ku gumaadayaan shacabka iyo birimagaydada.

Si kastaba ha ahaatee, dilka Abwaan Jaamac Kediye ayaa noqday mid taababatay qaluubta dadka Soomaaliyeed. Waxay geeridiisa sababsatay markii ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaaceen magaalada Laascaanood.

Xiisad iyo caro ka dhalatay dilka Abwaanka ayaa haatan ka taagan magaalada Laascaanood. Maamulka SSC- Khaatumo weli kama uu hadlin dilka Abwaanka, lamana aasin maydkiisa.