7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2023
Somaliland oo sheegtay in kooxo argagixiso ah ay fuliyeen dilkii Abwaan Jaamac Kadiye
 

Khamiis, August, 17, 2023 (HOL)- Somaliland ayaa iska leexisay eeda dilka abwaankii waynaa ee Jaamac Kadiye Cilmi, oo shalay lagu dilay Laascaanood, waxayna dilka abwaanka ku eedaysay kooxo argagixiso ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in Abwaan Kadiye uu ku dhintay gacmaha kooxo argagixiso ah oo la yaqaan.

"Wasaarada Gaashaandhigu waxay ka murugaysantahay in ay ku dhawaaqdo dilkii naxdinta lahaa ee abwaankii caanka ahaa ee Jaamac Kadiye, oo ahaa shakhsi laga jecelyahay hidaha iyo dhaqanka waddanka...waa arrin murugo leh in aanu ku dhawaaqno in uu ku baxay gacmaha argagixiso caan ah shalay".

Somaliland waxay sheegtay in dilka loola jeeday in magaca lagaga xumeeyo Somaliland, isla markaana la abuuro dhaqan cabsi galin ah, waxa kale oo ay xustay in eeda loo soo jeedinayo Somaliland ay beentahay, isla markaana ay samayn doonaan baadhis madaxbannaan si kuwii dilka gaystay cadaalada loo horkeeno.

Waxay intaa ku dartay in Somaliland ay u taagantahay nabad, midnimo iyo cadaalad, isla markaana waxay beesha caalamka ugu baaqday in cambaarayso dilka argagixisadu u gaysanayso shacabka, sida warxinta lagu yidhi.

SSC-Khaatumo ayaa dhankeeda dilka abwaanka ku eedaysay in ay ka danbeeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka Laascaanood, kuwaasi oo lagu eedeeyay in madaafiic ay soo rideen ay ku hubsadeen abwaanka.