7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 17, 2023
Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida oo shacabka degaanka fartay inay ilaashadaan Nabadgalyada
 

Khamiis, Agoosto, 17, 2023 (HOL) - Hoggaanka Nabadgelyada ee Dowlad degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee amni ee dowlad degaanka Soomaalida, isla markaana farriin faray Shacabka ku dhaqan degaanka Soomaalida.

Hoggaanku waxa uu ugu horreyn sheegay in degaanka Soomaalidu uu yahay mid ay ka jirto nabadgalyo buuxda oo la isku hallayn karo,  sidoo kale waxa uu xusay in haba yaraatee aysan degaanka ka jirin wax isku dhacyo qabaa'il la xiriira, waa siduu hadalka u dhigay Hoggaanka Nabgalyada degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur.

" Waxaan Shacabka degaanka Soomaalida faraynaa inay amnigooda iyagu ilaashadaan, oo dadka deggan xuduudaha uu degaanku laleeyahay dalalka deriska ah ay marwalba xogta la wadaagaan hay'adaha amniga degaanka, oo qofkasta uu xaqiijiyo cidda socotada ah ee ag maraysa iyo cidda gurigiisa kusoo hoyanaysa", ayuu yiri Hoggaanku oo farriin u dirayay Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale Hoggaanku waxa uu farriin faray Masuuliyiinta maamullada Gobollada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka ka tirsan degaanka Soomaalida, inay sii xoojiyaan wacyigalinta shacabka ee dhinaca Nabadgalyada, oo maamulkii iyo Shacabkii oo iskaashanaya ay si wada jir ah uga shaqeeyaan amnigii degaanka, waa siduu hadalka u dhigay Dayib Axmed Nuur Hoggaanka Nabgalyada degaanka Soomaalida.

Ugu dambayn Hoggaanka Nabadgalyada degaanku waxa uu sheegay in degaanka Soomaalidu uu yahay degaanka ugu xasiloon marka loo eego dalalka geeska Afrika, gaar ahaan degaanka ugu nabadgalyada badan dalka Itoobiya, taasna ay sababtay ayuu yiri hoggaanku in noloshii caadiga ahayd iyo dhaqdhaqaaqii ganacsigu uu si xawli ah uga socdo degaanka Soomaalida. Howlaha amnigana aan lagu hallayn kaliya hay'adaha Nabadgalyada ee shacabkuna ay kaalintooda ku haboon ka qaataan, waa siduu hadalka u dhigay Hoggaanku.