7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2023
Puntland: Magacaabidda Cabdikariin Guuleed waa qorshe caalamka looga qarinayo xasuuqa Laascaanood

Khamiis, April, 6, 2023 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay magacaabidda ergayga arrimaha Somaliland inuu yahay qorshe indhaha caalamka looga qariyo waxay ugu yeertay xasuuqa iyo barakicinta Somaliland ay ka geysatay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

War saxafaadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dowladda federalka aysan sinna dhexdhexaad uga ahayn colaadda Laascaanood.

Puntland waxay ku eedeysay in dowladda Soomaaliya ay la safan tahay dhinaca Somaliland una aqoonsan tahay in magaalada Laascaanood ay tahay magaalo katirsan maamulka Somaliland.

Puntland waxay ugu baaqday qaar kamid ah masuuliyiinta sare ee dowladda inay raali galin ka bixiyaan hadallo lagu dhaleeceeyay Garaadada SSC, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ka masuul ka yihiiin colaadda ka aloosan Laaacaanood.