7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2023
Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden oo mar kale loo magacaabay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya
 

Khamiis, April, 6, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, ayaa maanta loo magacaabay Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden, sida lagu sheegay war-saxaafeedka kasoo baxay shirka golaha wasiiradda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo shir guddoominayay shirka golaha wasiiradda ayaa ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Golaha wasiiradda ayaa taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan oo markii labaad kusoo laabtay xilkaan, ku ammaanay aqoonta iyo khibradiisa arrimaha Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta, ayaa ka tagidoona xubinta xildhibaanimo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama dastuurka dalka u oggolaanayn inuu isku qabto labadaan masuuliyadood.

Gen, Mahad ayaa horey usoo noqday taliyihii ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed, ka hor inta aysan dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo u magacaabin taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya.