7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2023
Taliye ka goostay millateriga Somaliland oo sheegay in uu ku biirayo xoogaga SSC
 

Khamiis, April, 6, 2023 (HOL) - Maxamed Deeq Maxumed Cabdi, oo ahaa taliyihii guutada 95 ee  ciidanka Somaliland ee fadhigoodu ahaa Buuhoodle iyo Carowayn, ayaa ku dhawaaqay in uu ku biirayo xoogaga SSC.

"Aniga oo aha Gaashaanle Dhexe Maxamed Deeq Muxumed Cabdi, ahna taliyaha guutada 95aad ee ciidanka qaranka ee Carowayn, waxan halkan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilkii ciidanka qaranka aan u hayay, anan la fikir ahay bulshada reer SSC" ayuu taliye Muxumed warbaahinta Buuhoodle u sheegay.

Waxa uu sheegay in ay iscasilaadiisa ku kaliftay kadib markii uu arkay tacadiyo uu sheegay in ciidamada Somaliland ee uu ka tirsanaa ay u gaysteen bulshada gobolada uu kasoo jeedo, waxaanu sheegay in uu shacabkiisa difaacayo.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaankiisa ayaa taliye Maxamed ku bogaadiyay go'aanka uu qaatay iyaga oo sheegay in uu dadkiisa u damqaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Garaadada iyo siyaasiyiin kale oo reer Sool ah ayaa marar kala duwan ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay dhibaatooyin ka gaysteen deeganada SSC, lakiin xukuumada ayaa eedaha iska fogaysay.