7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2023
Somaliland oo sheegtay in ay ciidamo Puntland leedahay iyo kooxo argagixiso ah ka sifaynayso Laascaanood

Khamiis, April, 6, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay ay aaminsantahay in colaada Laascaanood lagu dhameeyo wadahadal, lakiin ay muhiim u aragto in ciidamada Puntland ka yimid iyo kooxo argagixiso ay ku sheegtay laga sifeeyo Laascaanood.

Bayaan kasoo baxay shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada, ayaa ugu horayn hambalyo loogu diray ciidamada qalabka sida, waxaanu goluhu Puntland ku eedeeyay in ay wado dagaal ay ku doonayso in ay xuduud qabiileed kaga samayso deegaanada gobolka Sool.

Bayaanka waxa lagu sheegay in xukuumada Somaliland iyo shacabka reer Laascaanood heshiin doonaan, lakiin ay muhiim tahay in ciidamada kasoo gurmaday deegaanada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo ay Somaliland sheegtay in ay joogaan Laascaanood magaalada laga saaro.

"Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo  Ciidammada Puntland iyo kooxaha argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo xuduudaha dalka".

Ugu danbayn, goluhu waxa uu sheegay in ay  Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan.

Garaadada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sool ayaa horay u beeniyay in kooxo argagixiso ahi ay Laascaanood joogaan, sidookale Puntland ayaa sheegtay in anay dagaalka qayb ka ahayn, inkasta oo qaybo ciidamadeeda kamid ahi ay hiil u yimaadeen Laascaanood.