7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2023
Soomaalida ku nool magaalada St Cloud oo iska aruurisay lacag dhan 71,400 oo ay ugu talo galeen dadka ka Barakacay Laascaanood

Khamiis, April, 6, 2023 (HOL) - Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada St Cloud Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa iska uruurisay lacag gurmad ah oo ay ugu talo galeen dadka ka barakacay dagaalada iyo duqeymaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qeybaha kala duwan ee bulshada reer St Cloud ayaa iska aruuriyay lacag gaaraysa $71,400, taasoo ay sheegeen iney ugu talo galeen dadka shacabka ah ee ka barakacay dagaalka iyo duqeymaha ciidamada Soomaaliland ka wadaan magaalada Laascaanood.

Lacagtaan ayaa ah mid laga aruuriyay qeybaha kala duwan ee dadka ku nool St Cloud oo ay ugu horeeyaan Ganacsatada, Culimada, Haweenka, waxaana la xusay in kaalinta ugu weyn ee lacag aruurintaan ay qaateen Masaajidyada ku yaala magaaladaasi.

Lacagtaan ay iska soo aruuriyeen dadka degan magaalada St Cloud ayaa lagu wareejiyay Wakiilka Hay'adda HARO Sheekh Cali Xaaji si ay u gaarsiiyaan dadka Shacabka ah ee ka barakacay magaalada Laascaanood.

Wakiilka Hay'adda HARO Sheekh Cali Xaaji oo madasha lacagta lagula wareejinaayay ka hadlay ayaa sheegay in lacagtan sida ay ugu aamineen bulshada reer St Cloud inuu isna u gaarsiin doono dadka loogu talo galay ee mudan in lasiiyo lacagtaan.

Bulshada ku nool magaalada St Cloud ayaa si weyn loogu amaana iney yihiin bulsho isku xiran oo marwalba kaalin muhiim ah ka qaadata gurmadka dhibaatooyinka soo gaara dadka Soomaaliyeed.