7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2023
Faahfaahin ku saabsan dabley hubaysan oo xalay weeraray goob ganacsi oo kutaalla Bosaso

Khamiis, April, 6, 2023 (HOL) - Dabley ku hubaysnaa qoryaha fudud iyo bombaanooyin, kuwaas oo aan la garanayn haybtooda, ayaa xalay weeraray goob ganacsi oo ku taallay magaalada Boosaaso.

Kooxda dableyda ayaa toogasho ku dilay ilaaliyihii shirkaddan ganacsi oo lagu magacaabo Almacruuf ka hor inta aysan bombo gacmeed ku weerarin dadkii ku jiray gudaha iyo dadkii ka dukaamaysanayay.

Lama oga sababta ka dambeysa weerarka xaruntan ganacsi oo kamid ah xarumaha waawayn ee laga dukaamaysto, taasoo xafiisyo dhowr ah ku leh gudaha magaalooyinka Puntland.

Weerarka kadib dab xooggan ayaa ka dhashay bambooyinkii lagu tuuray goobta, kaas oo khasaare hantiyeed oo xooggan u geystay shirkadda, sidoo kale dadkii gudaha ku jiray ayaa ku neef qabatimoobay.

Laamaha ammaanka iyo ciidamada dab-damiska ayaa u soo gurmaday shirkadda, si ay u xakameeyaan dabka, si aanu ugu faafin dhismayaasha kale ee ku hareeraysan.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Mar sii horraysay xaruntan ganacsi ayaa bombo gamceed lagu tuuray, laakiin wax khasaare ah kama dhalan, balse weerarkii xalay ayaa ahaa mid si toos ah loo bartilmaameesaday shirkaddan.