7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 6 , 2023
Dagaal u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta oo maanta mar kale ka billowday galbeedka gobolka Siti

Khamiis, April, 6, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan galbeedka gobolka Siti ayaa sheegaya in maanta mar kale uu dagaal ka billowday degaanno ka tirsan galbeedka gobolka Siti, dagaalkaas oo u dhaxeeya Soomaali iyo Canfar.

Inkastoo aan la xaqiijin karin cidda dagaalka maanta soo qaaday, haddana dadka degaanka ayaa Warbaahinta la wadaagay in Canfartu ay saaka weerar kusoo qaadeen degaanno ka tirsan galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaan wali la sheegin, walina waxaa adag sida xog faahfaahsan looga heli karo dagaalkan maanta ka billowday galbeedka gobolka Siti gaar ahaan goobta lagu magacaabo Dabamara oo dhacda galbeedka Siti.

Dhinaca Soomaalida guulo ayay ka sheeganayaan dagaalkan maanta sida ay kusoo warramayaan dadka ka ag dhow goobaha uu dagaalku ka socdo, balse wararkaas ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara.

Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida wali kama hadlin dagaalkan maanta, sidoo kale ma jiraan warar faahfaahsan oo kasoo baxay dhinaca dowlad degaanka Canfarta.

Isu soo duuboo, dagaalladan u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay ka soconayeen degaanno ka tirsan galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo horeyna waanwaan la isku dayay in xal laga gaaro colaadda Soomaalida iyo Canfarta aan wax natiijo ah laga gaarin.