7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Doorashada kursi tartankiisa adag yahay oo Maalintii labaad dib u dhac ku yimid
 

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta markale dib u dhac ku yimid doorashada kursiga HOP 058, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale dib u dhac uu ku yimid doorashada kursigaan oo ay isku diiwaan galiyeen ilaa 7 Musharax oo qaarkood ay saameyn badan ku dhex leeyihiin siyaasada Soomaaliya.

Musharaxiinta dooneysa iney ku tartamaan kursigaan HOP 058 ayaa kala Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble, Cabduqaadir Xuseen Coloow, Maxamuud Afdhuub Makaraan, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubax Cali Sheegow.

Wali majirto war rasmi ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle oo ku aadan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Maanta markale ay baaqato doorashada Kursiga HOP 058, iyadoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in maanta galinkii hore uu jiray buuq is qabqabsi u dhaxeeyay beesha kursiga iska leh.

Hoolka loogu talo galay doorashada ayaa la tilmaamay in haatan ay kusoo kala dareereen ergada iyo Musharaxiinta ku tartameysa kursiga oo lagu wado in beri subax la qabto doorashada kursigaan oo ka mid ah ugu tartanka adag kuraasta doorashadoodu tahay magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online