7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Doorashada kursi tartankiisa adag yahay oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Baledweyne
 

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka dhacdo doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baledweyne.

Kursiga HOP 058, ayaa qorshaha guddiga doorashada Hirshabeelle waxa uu ahaa iney qabtaan doorashadiisa maalintii shalay aheyd, hayeeshee dib uga dhacay, waxaana tartanka kursigaan isku diiwaan gelisay ilaa 7 Musharax oo midi haweeney tahay.

Musharaxiinta loolanka adag ee kursigan gali doona ayaa kala, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble, Cabduqaadir Xuseen Coloow, Maxamuud Afdhuub Makaraan, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubax Cali Sheegow.

Kursigaan ayaa noqonaya kii labaad ee deegaan doorashadiisu tahay Baledweyne oo ay isku diiwaan galiyaan Musharaxiin tiro badan guud ahaan doorashada Golaha Shacabka ee sanadkan, waxaana horay Baledweyne loogu qabtay doorashada kursiga HOP 063, oo ilaa 9 musharax ku tartameen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Maanta oo Axad ah ay ku beegan tahay maalintii ay u asteeyeen guddiga doorashada Hirshabeelle qabashada doorashada 4 kursi oo uu ku jiro kursiga doorashadiisa Shalay baaqatay ee HOP 058, mana jirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay guddiga oo u aadan jadwalkii doorasho ee kuraasta kala ah HOP 019, HOP 059, HOP 039.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online