7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Soomaaliya iyo Qadar oo kala saxiixday heshiis iskaashi dhanka waxbarashada

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday hay'adda Qatar Fund.

Heshiiskan ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee dowladaha Soomaaliya iyo Qadar. Sidoo kalana lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada.

Labada dhinac ayaa ka filayay heshiiskan in uu kor u qaadi doono tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ka hadlayey saxiixa heshiiskan ayaa yiri “Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada”.

Tayada waxbarashada dalka Soomaaliya ayaa aad u hooseysa maadaama dalka uu muddo kabadan 30 sannadood  kusoo jiray dagaallo sokeeye balse dowladda ayaa dhowaan diyaarisay manhaj waxbarasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]