7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 27, 2022
Madaxweyne Laftagareen oo sheegay in sannadkan ay rabaan in ay wax hoggaamiyaan

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad sagootin loogu sameynayay xildhibaannada Koonfur-Galbeed ku metelaya labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan guddiyada heer federal iyo midka maamulka, odayaal dhaqameed iyo qaar badan oo kamid ah ergadii ka qeyb-gashay doorashadii soo dhammaatay.

Madaxweyne Laftagareen oo khudbad ka jeediyay munaasabadda oo ka dhacday Baydhabo, ayaa xildhibaannada kula dardaarmay in ay muujiyaan midnimo, qalbi fiicnaan, kalsooni, daacadnimo iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah.

“Sannadkan ma rabno in nala hoggaamiyo oo waxaan rabnaa in annaga aan wax hoggaamino. Waxaan rabnaa in aan goyno masiirka Soomaaliya iyo meesha uu maraayo in aan naloo yeerinin oo aan annaga hoggaamino”, ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in si gaar ah uu ugu faraxsanyahay in 77-da xildhibaan ee Koonfur-Galbeed ay dhammaantood dooranyihiin, uuna sahaadada xildhibaannimo guddoonsiiyay mid kasta oo kamid ah xildhibaannadaasi, isla markaana ay uga dhigantahay in uu gutay waajibaadkiisii ugu dambeeyay.

“Maadaama xildhibaannada ay usoo dhammaatay nidaamkii doorashada, hadda waxa aan sugnaa waa iyaga. Waa in ay maraan waajibaadkooda dastuuriga ah”, ayuu raaciyay.

Balse waxaa xusid mudan xubnihii shalay madaxweynuhu uu guddoonsiiyay shahaadada waxaa kamid ah xubno kuraastooda uu hakiyay guddiga FEIT ee heer federal.

Guddiga doorashooyinka ee heer federaalka ee FEIT ayaa ugu dambeyn 14-ka bisha Abriil bixin doona shahaadada rasmiga ah iyo kaararka aqoonsiga ee caddeynaya xildhibaannimada guud ahaan.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]