7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Dowladda India oo cambaareysay weerarkii Al Shabaab ee garoonka diyaaraha ee Muqdisho

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda India ayaa lagu cambaareyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho 23-kii bishan, kaas oo ay ku dhinteen lix qof.

Dowladda ayaa sheegtay in arrin walaac badan ay tahay kororka weerarrada kooxda Al Shabaab, waxaana ay intaasi ku dartay in argagixisado keliya aysan khatar ku aheyn Soomaaliya balse ay khatar ku yihiin addduunka oo dhan.

“Waxaan mar kale ku celinaynaa in aan si buuxda u taageersanahay howlgallada ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo in beesha caalamku ay sii waddo garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro argagixisada” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda India ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda si ay u gaaraan rabitaankooda wadajirka ah ee ku aaddan mustaqbal xasilloon, ammaan iyo nabad.

Weerarkii garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa fuliyay labo dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo markii dambe ay toogteen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]