7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Alshabaab oo weerar ku qaaday tuulada Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegayaa in halkaas  Al-shabaab ay waaberigii saaka weerar ku qaadeen saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland.

Sida HOL xogta ku helayo Alshabaab ayaa weerarka ku bilowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxda Alshabaab.

Weerarka oo bilowday ka hor salaadii subax ayaa wararku waxay sheegayaan in waagu isugu baryay ciidamada Puntland iyo kooxdii weerarka qaadday

Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidanka Puntland iyo kooxda Shabaab.

Alshabaab ayaa horey u weeraray Af-urur oo 70km u jirta magaalada Bosaso, iyagoo ka geysatay mid kamid ah weeraadii ugu khasaaraha badnaa ee Puntland.

In ka badan 50 askari oo katirsan ciiddanka Puntland ayay Alshabaab ku dishay weerar ay sannadkii 2017 ku qaaday deegaanka Afurur, kadib markii ay cagta mariyeen saldhig ciiddanka Puntland ku lahaayeen Afurur.

Hiiraan Online News Disk