7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2022
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala hadlay dhameystirka doorashada aqalka hoose
 

Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya kala hadlay in doorashada aqalka hoose lagusoo gabagabeeyo 15ka bisha march.

Safiirka Maraykanka oo sida aan xogta ku helnay xalay madaxweynayaasha kula xiriiray qadka taleefoonka, waxay isla garteen in 15-ka bishaan badi dowlad goboleedyadu ay soo dhameystiraan doorashada aqalka hoose, marka laga reebo maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland oo caqabado sheegtay.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo Safiirka dowladda Maraykanka ayaa si gaar ah uga wada hadlay xaaladda magaalada Beledweyne iyo caqabadaha ku xeeran dhameystirka doorashada, waxayna isla qaateen in dhameystirka doorashada ay qaadan doonto waqti dheeri ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa kulanka ka sheegay inay jirto caqabad maamulkiisa ka haysata in doorasho lagu qabto degmada Garbahaareey, isagoo sheegay in Jubbaland ka fikirayso siidi doorashada loogu qaban lahaa magaalo kale oo katirsan gobolka Gedo.

In Garbahaarey laga wareejiyo doorashada waxay ka hor imaanaysaa Heshiiska 17 september oo dhigayay in Garbahaareey ay noqoto deegaan doorashada labaad ee Jubbaland. Sidoo kale saxiixayaasha heshiiska ayaa u badan kuwo taageersan in aan doorashada laga wareejin Garbahaareey.

Illaa hadda la iskuma raacin sida laga yeelayo arrinta Garbahaarey iyo in deegaan kale loo wareejiyo doorashada, waxaa jira wadatashiyo kala duwan oo Xubnaha Beesha Caalamka ka yeelanayaan arrinta Garbahaarey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online