7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2022
Howlgallo lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir oo ka bilowday caasimadda
 

Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah guddoomiyayaasha degmooyinka iyo agaasimeyaasha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb-gallay howlgal wadajir ah oo xalay laga sameeyay degmada Dharkeenleey, si loo xaqiijiyo amniga degmooyinka caasimadda.

Iskaashiga amni ayaa ah mid howlgallo looga sameyn doono dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, maadaama caasimada maalmo kaddib ay ka dhici doonto doorashadda guddoonka Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha xafiiska amniga gobolka Banaadir Mahad Xuseen Axmed ayaa sheegay in mid kamid ah ujeedka holwgalka uu yahay in maamulka degmooyinka gobolka ay u diyaar-garoobaan sugida amniga, xili ay soo dhowdahay doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Guddoomiyaha degmada Dharkeenley Guhaad Sheekh Xasan ayaa dhankiisa sheegay in howlgalka noocan ah uu sii socon doono, isla markaana la tegi doono dhammaan degmooyinka, isaga oo u mahadceliyay laamaha amniga ee degmooyinka, gaar ahaan kuwa degmada Dharkeenley.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo 23-kii bishii hore ee Feberaayo guddoomiyey shirka Amniga Qaran, ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda guddoonka barlamaanka  iyo Madaxweynaha J.F  Soomaaliya.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]