7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2022
Kooxda Daacish oo xaqiijisay in hoggaamiyahooda lagu dilay duqeyn uu fuliyay Mareykanka
 

Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Kooxda ISIL (ISIS) ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in hoggaamiyahooda Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi lagu dilay weerar uu Mareykanka ka fuliyay waqooyiga galbeed ee dalka Siiriya bishii lasoo dhaafay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hoggaamiyaha uu is qarxiyay isaga oo la jooga xubno kamid ah qoyskiisa, kaddib markii ciidamada Maraykanku ay weerareen goob uu ku dhuumaalaysanayay oo ku taalla magaalada Atmeh ee waqooyi-galbeed dalka Suuriya, una dhaw xuduuda Turkiga 3-addii bishii Febraayo.

Afhayeenka cusub ee kooxda Abu Omar al-Muhajer, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee kooxda uu noqon doono nin magaciisa lagu sheegay Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi, wuxuuna sheegay in madaxii hore ee ISIL uu u doortay inuu noqdo khaliifka xiga.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan hoggaamiyaha cusub, lamana oga inuu u dhashay dalka Ciraaq sida labadii isaga ka horreeyay oo labaduba lagu dilay qeybo kamid ah dalka Siiriya oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka.

Weerarkii Mareykanka ee bishii hore ayaa ahaa midkii labaad oo saddex sano gudahood Mareykanku uu ku dilo hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee kooxda ISIL.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]