7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2022
Madaxweynaha Hirshabelle iyo Safiirka Mareykanka oo kawada hadlay dhameystirka doorashada aqalka hoose
 

Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay wada hadal dhan taleefonka ah la yeeshay Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Larry Andre.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa wada qaatay kulan isbarasho ah, waxaana ay sidoo kale ka wadahadleen xaaladda amniga, dhameystirka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo ilaalinta qoondada haweenka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku dheeraaday arrimaha amniga, qanacsanaanta bulshada iyo sidii loo dhameystiri lahaa doorashada 11-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry Andre’ ayaa ku ammaanay Madaxweyne Guudlaawe sida hufan ee uu u maareeyay dadaallada dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli afar maalin ay ka harsan tahay waqtiga loo qabtay in la soo gabagabeeyo doorashada 11-aad ee Golaha Shacabka oo ku eg 15-ka bishan March.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online