7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2022
Gaalkacyo: Xiisad colaaddeed oo ka taagan doorashada saddex kursi oo aqalka hoose ah
 

Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug  ayaa maanta lagu wadaa inuu shaaciyo guddiga xulista ergada kuraasta HOP095, HOP038 iyo HOP069, kadib markii ay xiisad ka dhalatay kuraastaan.

Guddiga oo lagu waday inuu shalay shaaciyo ayaa dib loo dhigay sababo ay guddigu ku sheegeen diiwaangelinta iyo Shahaado siinta Musharixiinta oo laga dhigay maalinta sabtiga oo taariikhdu tahay 12/03/2022.

Saddexda kursi ee muranka ka taagan yahay, waxaa horey ugu kala fadhiyay xildhibaannada kala ah, Cabdiraxmaan Odowaa, Hop 169, Axmed Macalin Fiqi , wasiirkii hore ee amniga Galmudug, hop038 iyo Cabdikariin Dhalac 095.

Kuraastaan ayaa laga cabsi qabaa inay xiisad coleeddeed ka kiciyaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo haatan ay jiraan maleyshiyo beeleed ka cabanaya in madaxweynr Qoorqoor uu faro galin ku hayo doorashada.

Waxaa kuraasta ka dhex muuqda loolan siyaasadeed oo xooggan oo ay mucaaradka iyo muxaafidku ugu jiraan sidii uu mid walba u lasoo baxayo musharraxiintiisa.

Marka laga reebo Axmed Macalin Fiqi oo horey u sheegay inuusan tartamayn, labada kursi musharraxiintii ku kala fadhiyay waxay doonayaan inay kusoo laabtaan.

Arrimaha aadka la isugu hayo waxaa kamid ah guddiga soo xulista ergada, iyadoo maamulka Galmudug iyo guddiga doorashada ay isku dayayaan inay xal maanta ka gaaraan arrimaha shaacinta guddiga xulista.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online