7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2022
Milateriga Mareykanka oo Biden ku booriyay in ciidamada Kumaandooska Maraykanka la geeyo Soomaaliya
 

Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Milateriga dalka Maraykanka ayaa ka codsaday madaxweynaha Joe Biden in ciidamada Maraykanka  ee haatan jooga dalalka jabuuti iyo Kenya dib loogu soo celiyo gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha sarsare ayaa ku doodaya in ciidamada Soomaalida ahi ay si wax ku ool ah u dagaallamaan Alshabaab marka ay si joogto ah u barbar socdaan hawl-wadeennada gaarka ah ee Maraykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay aad u adag tahay in la isku dubbarido weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo aysan jirin ciidamo Maraykan ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Maraykanka ayaa sheegay in madaxeyne Biden  uusan shaacin go'aankiisa ku aadan inuu Soomaaliya geeyo ciidamadii Maraykanka ee lagasoo saaray.

Gen. Stephen Townsend, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay  bishii Janaayo. In haddii aan cadaadis dheeri ah la saarin kooxda Al-Shabaab, ay ka walaacsan yihiin in uu dhaco weerar weyn oo al-Shabaab ah maleegayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online