7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 11, 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar "Shacabka Soomaaliyeed muran kuma jiro in uu ka raystay dowladdii TPLF"
 

Jimco, Maarso, 11, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo u waramayay Warbaahinta dowladda ee EBC ayaa waxa uu ka war bixiyay degaanka Soomaalida waxyaabihii u qabsoomay tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu talada dalka iyo degaankaba qabtay xisbiga Barwaaqo.

Madaxweynuhu wuxuu ugu horreyn sheegay in intii uu talada dalka qabtay xisbiga Barwaaqo, uu degaanku helay xuquuq badan oo markii hore ka maqnayd, sida matalaadda heer fadaraal ah oo Aden Faarax oo Soomaali ahi uu guddoomiye u yahay xisbiga Barwaaqo, sidoo kalena xubno Soomaali ah ay ku dhex jiraan xisbigii oo iyagu maanta ku hadlayaan codka Soomaalida.

Madaxweyne Mustafe cagjar waxa kale oo uu sheegay in intii uu xisbigani talada hayay ay Soomaalidu usuurtagashay inay iyagu iskood isku maamulaan, oo aysan jirin cid shisheeye ah oo soo faragalisa arrimaha degaanka Soomaalida, sidoo kalena dad aan horey u hawaysan jirin in maamulka degaanka soo dhex galaan ay maanta xukuumaddii kamid yihiin.

Xuquuqul insaanka ayuu sidoo kale Madaxwaynuhu sheegay inuu yahay waxa u weyn ee degaanka Soomaalida usoo kordhay intii uu xisbiga Barwaaqo talada dalka qabtay, isagoo xusay in degaanka Soomaalidu ahaa degaanka dadka lagu cuno, lagu baabi'iyo oo lagu xasuuqo, halka uu imika yahay degaan dadku diintiisa iyo dhaqankiisa u madax banaan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in isbaddalladaas muuqda ay shacabku ka markhaati kacayaan, marka laga reebo xoogag uu Madaxweynuhu ku sheegay inay dan ku qabeen siyaasaddii hore ee hadda ka hor dalka ka jiri jirtay ee TPLF hoggaaminaysay, oo uu sheegay inay u cuntami la'dahay isbaddalka  haatan si guud dalka uga hanaqaaday.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu sheegay in muran uusan ku jirin in maanta shacabka Soomaaliyeed uu ka raystay dowladdii ay majaraha u haysay TPLF, intii uu isbaddalku jirayna shacabka Soomaaliyeed wanaag badan heleen, balse uu jiro wax badan oo ay wali tabayaan.

Hadallada Madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli lafilayo in shirwaynihii 1aad ee xisbiga Barwaaqo uu ka furmo dhawaan magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku dhan yihiin dhammaan xubnaha xisbiga Barwaaqo, oo isugu jira kuwo heer fadaraal ah iyo kuwo heer degaan ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]