7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Wasiirka Warfaafinta DDS "Abaartu way jirtaa laakiin macluul iskuma baddalin, cid u dhimatayna ma jirto"
 

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Wasiirka Xafiiska Warfaafinta ee dowlad degaanka Soomaalida Abdulqadir Rashid Ducaale oo warbaahinta waraysi siiyay, ayaa ka war bixiyay xaaladda abaarta ee ka jirta degaanka Soomaalida.

Wasiirku waxa uu sheegay in degaanka Soomaalida ay ka jirto abaar, balse abaartaasi aysan isku baddalin macluul, sidoo kalena aysan jirin qof abaar darteed u dhintay, wuxuuna yiri wasiirku isagoo taa ka hadlaya " Dowladdu abaar way jirtaa bay leedahay, laakiin macluul iskuma baddalin, mana jirto cid u dhimatay abaar".

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in dadku ay iska dhihi karaan abaarta darteed dad baa u dhintay oo warbaahinada ka hadlaan, balse ma jirto qof caddayn keeni kara, isagoo xusay in arrimahaas dadku sheegayaan loo diray dad soo baara, waxaana lasoo ogaaday inaysan waxba ka jirin arrintaasi, waa siduu hadalka u dhigay Wasiirku.

Waxa kale oo uu Wasiirku xusay in dadka abaarta siyaasadaynaya ay u habboon tahay inay codkooda dadka ugu gurmadaan, halkii ay xaaladda abaarta siyaasadayn lahaayeen.

Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in ka dowlad ahaan ay wadaan howlaha gurmadka abaaraha, oo mucaawanada iyo raashinka kala duwan la gaarsiinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambayn waxa uu Wasiirku sheegay in xaaladdan lagaga bixi karo si aysan macluul u dhicin, in Ilaahay roob keeno, oo la duceeyo dadkana loo duceeyo, oo aan la siyaasadayn xaaladda abaarta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]