7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo bandhiga dhexe ee Masar oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah
 

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ka qeyb galay munaasibad heshiis is-af-garad (MoU) ku kala saxiixdeen Bankiga Dhexe ee Soomaalya iyo Masar.

Heshiiska is-af-garadka ayaa quseeya xoojinta wada shaqeynta labada Bangi iyadoo ay kor u qaadi doonta dib u dhiska Bangiga Dhexe iyo nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar waxaana kuso dhaweeyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo xogta laga siiyay adeegyadda ay Safaaradda bixiso, isagoo Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku ammaanay dedaalka uu ku bixiyay dib u dhiska Safaaradda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online