7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo raashin u kala diray 70 degmo oo abaartu aad u saamaysay

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Xafiiska Khataraha masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay inay raashin u kala rareen goobaha usii daran ee abaaruhu saameeyeen.

Raashinkan oo isugu jira noocyadiisa kala duwan ayay xukuumaddu sheegtay in lagu soo iibiyay lacag gaaraysa 200 oo million oo Birr, lacagtaas oo ahayd mid ay xukuumaddu dhawaan u ansixisay gurmadka abaaraha, sida uu sheegay Saadaq Abdiqadir Wasiir ku xigeenka Xafiiska Khataraha masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida.

Goobaha ama Bakhaarada laga kala rarayo raashinkan ayaa waxaa kamid ah Magaalada Jigjiga, Godey oo iyadana dhawr gobol looga rarayo iyo Mooyaale oo looga rarayo raashinka gobolka Liibaan iyo gobolka daawa.

Sidoo kale raashinkan loo rarayo goobaha usii daran ee abaartu saamaysay ayaa isugu jira Bariis, Sonkor iyo Saliid, oo loogu talo galay inay gaarto bulsho ka badan 59,589 qoys oo ku kala nool 70 degmo oo kamid ah 10ka gobol ee ay abaaruhu aadka u saameeyeen.

Dowladda ayaa inbadan dadaal ugu jirta sidii wax loogu qaban lahaa saamaynta ay abaaruhu ku keeneen dadka iyo duunyadaba, iyadoo Abaarta ka jirta inta badan dowlad degaanka Soomaalida, ay noqotay mid aad u daran oo aan horey uga dhicin degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]