7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Guddoomiye Xirsi "Xukuumada waxaanu leenahay waa dhab sicir-bararku"

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay dhagaha ka furaysatay, xaalada sicir bararka.

Xirsi ayaa sheegay in sicir-bararku yahay xaalad taagan oo u baahan in wax laga qabto "Xukuumada waxaanu leenahay bulshada dhagaysta, waa dhab sicir bararku, dawayna mayso in aad isku dhagoolaysaan".

Xirsi ayaa sheegay in sicir-bararka ka sakow ay bulshada soo food saartay busaarad intii ay talada haysay xukuumada madaxweyne Biixi.

Waxa uu ku andacooday in sicir-bararka ay sii kordhiyeen dano ganacsi oo gaar ah "Waxa weheliya dano ganacsi oo gaara, korodhka ku yimid tacriifadii dekedda, maqnaanshaha nidaamka la socodka ascaarta".

Waxa uu sheegay in marka sicir-bararka laga yimaado ay sidookale jirto busaarad bulshada ku habsatay intii ay xilka haysay xukuumada madaxweyne Biixi.

"Mushkilada dalka ka jirtaa maaha sicir barar kaliya lakin 4 tii sanno ee ay xukuumadani joogtay waxaa dalka ku habsaday dhaqaale xumo iyo busaarad sababay in ay xidhmaan meherado badani, kuwa kalena ay qarka u saaranyihiin" ayuu yidhi Xirsi" ayuu yidhi Xirsi.

Bulshada Somaliland, ayaa ka cabanaysa sixir-barar saameeyay maciishada iyo shidaalka.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]