7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Goobaha ganacsiga magaalada Jowhar oo Maalintii labaad xiran
 

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Waxaa Maalintii labaad xiran inta badan goobaha ganacsiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kadib amaro ugu yimid dagaalamayaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa ganacsatada magaalada Jowhar ku amray iney tagaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/ dhexe oo ah xarunta ugu weyn Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaasi.

Ciidamada maamulka Hirshabeelle ee degmada Jowhar ayaa qufulo dulsaaray xarumaha ganacsi ee xiran Maalintii labaad kuwaas, kadib markii ganacsatadii laheyd goobahaasi ganacsi ay u hogaansameen amarka kasoo baxay Shabaab ee ahaa iney tagaan degmada Aadan Yabaal.

Lama ogo ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa ganacsatada magaalada Jowhar ee ay Al-shabaab u yeereen waxyaabaha ay kala hadlayaan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Jowhar oo ku aadan goobaha ganacsiga degmada oo Maalintii labaad xiran.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online