7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Sheekh Ibraahim dheere " Qofkii dambi loo haysto waa inuu cadaaladdiisa helaa"

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga sinaanta iyo Cadaaladda laantiisa degaanka Soomaalida Sheekh Ibraahim dheere oo waraysi siinayay Warbaahinta ayaa ka hadlay waxa ay xisbi ahaan ka aaminsan yihiin Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Xabsiyada heer fedaral.

Sheekh Ibraahin dheere waxa uu sheegay in maxaabiista Soomaalida ahi ee ku xiran xabsiyada heer fedaral oo tiro ahaan uu ku sheegay 18 qof, ay muhiim tahay inay cadaalad helaan oo aan wakhtiga lagaga cayaarin, isagoo xusay inay maxaabiistaasi uu ku jiro wiil yar oo 14 jir ah, kaas oo lala kiis dhigay maxaabiista inteeda kale, waa siduu hadalka u dhigay guddoomiyuhu.

Waxa kale oo uu sheegay in dhibka jira uu yahay in maxaabiistaasi aan dambiyadooda mid walba aan gaar loo eegaynin, balse kan u horeeya oo Cabdi Maxamuud Cumar ah un lagu daba xirayo maxaabiista inteeda kale, oo uu ku jiro wiilka 14 jirka ah.

" Qofkii dammiirkiisa loo xiray sida Jawhar Maxamed dulmi buu ahaa in lasiidaayana waa waajib, qofkii fal uu sameeyay loo xirayna waa in cadaaladda la mariyaa, hadday dowladdu cafinayso iyaday u taallaa" ayuu hadalka kusoo xiray Sheekh Ibraahim dheere.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku xiran maxaabiis Soomaali ah oo uu kamid yahay Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo maxaabiis kale oo isaga la fayl ah, kuwaas oo wali aysan Maxkamaddu ka go'aan gaarin.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]