7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 24, 2022
Guddigii doorashada heer Federaal oo war kasoo saaray cabashada doorashada Banaadiriga

Khamiis, Febraayo, 24, 2022 (HOL) - Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay in guddigii uu Ra’iisul Wasaaruhu u xil-saaray xallinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadirigu ay xalliyeen buuqii ka dhashay kuraastaas.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada la fasaxay diiwaangelintuna ay billaabanayso. Waxayna ugu baaqeen musharraxiinta kuraasta Banaadiriga in ay isku diyaariyaan doorashada oo maalmaha soo socda dhacaysa.

Doorashada Banaadiriga ayaa dhowaan waxaa ka dhashay buuq iyo isqabqabsi kadib markii beelaha leh kuraasta ay ka cowdeen in fara galin xooggan lagu hayo odayaasha soo xulaya ergooyinka doorashada.

Raysal wasaaraha ayaa doorashada hakiyay, isagoo guddigan u magacaabay in ay xalliyaan cabashada kasoo yeertay odayaasha dhaqanka Banaadiriga.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada Xildhibaannada Banaadiriga ayaa shaaciyey Jadwalka dhammaan kuraasta Banaadiriga.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online