7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 23, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka doorashada sadax kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
 

Arbaco, Febraayo, 23, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Kuraasta qabshada doorashadooda ay shaaciyeen guddiga doorashada Galmudug ayaa kala ah HOP 012, oo uu ku fadhiyo Yuusuf Xeyla Jimcaale, HOP 048, oo uu ku fadhiyo Cabdullaahi Gaafow Maxamuud iyo kursiga HOP 137 oo ku fadhiyo Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahin.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada maamul goboleedka Galmudug ayaa lagu shaaciyay in maalinta berito ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta, islamarkaana doorashada sadexdaan kursi la qaban doono 25-ka bishaan Febraayo oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo socota.

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online