7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 23, 2022
Guddiga xallinta khilaafadka doorashada oo fasaxay kursiga Fahad Yaasiin

Arbaco, Febraayo, 23, 2022 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federal ayaa fasaxay 6 kursi oo uu ku jiro kursiga uu dhawaan ku guulaystay Fahad Daahir Axmed, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sheegay in ay warbixin ka heleen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada Hirshabelle, kuwaas oo u sheegay in aanay jirin cabasho rasmi ah oo lagasoo gudbiyay doorashada kuraasta lagu doortay Hirshabeelle.

Guddoomiyaha guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya Muuse Geelle Aadan, ayaa dhawaan kursigaan hakiyay.

Guddiyada doorashada waxaa saameyn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed iyo loolanka ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa, taasoo keentay in go'aanno is khilaafsan ay guddiyadu soo saaraan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online