7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 23, 2022
Shiinaha oo ergey cusub u magacawday dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya kamid tahay

Arbaco, Febraayo, 23, 2022 (HOL) - Shiinaha ayaa u magacawday diblumaasi sare Xue Bing inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika, gobolkaas oo ay hadda ka taagan yihiin colaado ka jira Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Xue ayaa horay usoo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, wuxuuna khibrad u leeyahay inuu ka shaqeeyo Afrika, Ameerika iyo Oceania, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha.

"Shaqadiisu waxay noqon doontaa in uu ka shaqeeyo horumarinta qorshaha  Shiinaha ee gobolka kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu caawiyo wadamada gobolka si ay u helaan xasillooni, horumar iyo barwaaqo mustaqbalka fog," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Wang Wenbin.

Danaha Shiinaha ee Geeska waxaa ka mid ah saldhigga uu ku leeyahay badda ee dalka Jabuuti, oo ah marinka muhiimka ah ee ay isaga gooshaan maraakiibta caalamiga ah.

Beijing ayaa dayn badan siisay Itoobiya oo aan bad lahayn, taas oo ku tiirsan dekedda Jabuuti ee ganacsiga. Wuxuu sidoo kale maalgashi shidaal oo badan uu ku leeyahay dalka Koonfurta Suudaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online