Hiiraan Online
12/17/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 23, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Hay'addaha Amniga iyo Taliska AMISOM kala hadlay adkeynta Amniga Dalka iyo Doorashada
Arbaco, Febraayo, 23, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayaay xoojinta amniga dalka iyo la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada, dardar gelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada dalka.
Shirkaan amniga waxaa ka qeybgalay Hay'adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Raysal wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.
Gabagabadii Raysal wasaare Rooble ayaa ku boggaadiyey hay'adaha amniga iyo Taliska ciidanka AMISOM dadaalada ay wadaan, isagoona ku adkeeyey in la sii wado howlgalada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Alshabaab.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]