7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 23, 2022
Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sheegay iney dileen 60 dagaalameyaal iyo Horjoogahii Jabhada Al-shabaab


Arbaco, Febraayo, 23, 2022 (HOL) - Ciidamada Kunaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa sheegay iney dileen horjoogahii Jabhadaha Shabaab iyo 60 kale oo ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Danab ayaa warkaan baahisay, islamarkaana soo bandhigtay sawiro muujinaya ciidamada oo ku sagan deegaano ay shabaab kala wareegeen oo ay dab qabadsiiyeen.

Deegaanada ciidamada Danab ay ka fuliyeen howlgalada ay sheegeen iney ku dileen 60-ka dagaalame ee ka tirsan shabaab iyo horjoogahii Jabhadaha ayaa kala Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burcadheer, kuwaas oo ka kala tirsan gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidanka Danab Ururka 7-aad, islamarkaana ay burburiyeen xarumahii qaraxyada ay ku farsameyn jireen Al-Shabaab, sidoo kalena ay dadka shacabka ah uga uruursan jireen lacagaha baad ah, waa sida uu hadalka u dhigay Jenaraal Odawaa Yuusuf.

Deegaanadan ciidanka dowladda ka sameyeen howlgalada ayaa ka mid ah deegaanada ay sida weyn ugu xooganayeen dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online